Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaas Maanta lagu dilay mid kamid ahaa Odayaasha dhaqanka Buurhakaba.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay toogteen Odayga xili uu ku sugnaa Xaafad ka tirsan Buurhakaba isagoo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Ooye Ibrahim isla markaana waxaa uu kamid ahaa Odayaasha dhaqanka ee halkaas laga yaqaannay waxaana goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay dilkiisa.
Ciidamo ka tirsan laamaha amniga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa daqiiqado kadib tegay goobta uu falka ka dhacay iyagoo halkaas ka qaaday Meydka Maxamed Ooye.
Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka loo gaystay oday dhaqameedkas balse AL-shabaab ayaa looga bartay weerarada noocan oo kale ah.
PUNTLAND POST