Maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Talaado ah min 10-sannadood oo xabsiya ku ridday, laba xukmane oo lagu helay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.
Cabbduqaadir Suufi Muunye iyo Saciid Cumar Cabbdullaahi, ayaa maxkamaddu sheegtay in ay Al-shabaab wakiil uga ahaayeen tuulada Mareeray oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Eedeysanaha koowaad, Cabbduqaadir Suufi Muunye oo magaciisa Af-garashadu yahay Amiir Gaabow, ayaa Al-shabaab ugu magacownaa horjoogaha tuulada Mareeray, halka eedeysanaha labaad Saciid Cumar Cabbdullaahi uu qaabilsanaa xagga uruurinta baadda ay Al-shabaab ka qaaddo bulshada ku nool tuuladaas.
Dhinaca kale, maxkamadda ayaa 8-sannadood oo xabsiya ku ridday Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisa af-garashadu yihiin Tabliiq Luqmaan, kaasi oo lagu helay in uu ka tirsanaa weriyaasha Al-shabaab.
Halkaan ka akhriso xukunka oo faahfaahsan
PUNTLAND POST