Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta lagu wadaa inuu khudbad ka horjeediyo Barlamaanka maamulkaasi, Khudbaddaas oo uu kaga hadlayo arrima kala duwan.
Khudbad-sannadeedkiisa ayuu ka horjeedin doonaa Baarlamaanka Soomaaliland madaxweyne Biixi, waxaana la filayaa in Madaxweynuhu Golayaasha uga warramo qorshayaashiisa wax-qabad ee sannadkan, waxyaabaha u qabsoomay Xukuumaddiisa , Safarkii uu Itoobiya kaga soo laabtay toddobaadkii hore iyo kulankii uu Madaxweyne Farmaajo kula qaatay Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliland ayaa khudbadiisa waxaa uu kaga hadli doonaa Arimaha doorashooyinka , amniga iyo arimo kale.
PUNTLAND POST