Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay magaalada jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay halkaas dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabeelle iyo Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar ku bilowday Bam gacmeed ku qaadeen laba fariisin oo Ciidanka Hirshabeelle ay ku leeyihiin Xaafadaha Horseed iyo Buulo-Sheekh ee Jowhar.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay  in xalay ay maqlayeen jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka Hirshabeelle iyo Al-shabaab, wallow markii dambe uu dagaalka joogsaday.

Wasiirka wasaaradda amniga maamulka Hirshabeelle Maxamed Kherie ayaa ka hadlay dagaalkii  xalay ka dhacay Magaalada Jowhar, waxaana uu sheegay in Al-shabaab ay isku dayeen inay weerar kusoo qaadan Jowhar.

Al-shabaab ayaa isku dayday iney amaanka qal qal galshaan waxeyna Rasaas Kusoo Tuur Tuureen Bar Fariisan u ah ciidanka amaanka Hirshabelle oo bananka Magalada ah , taasoo laga Kontoroolo Dhaq dhaqaqa dadka soo galo Magalada iyo Dadka kabaxa, kooxahii soo Rabshadeyayna Fariisimahena ciidanka Amniga ayaa ku daba jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa” ayaa yiri Wasiirka

Ilaa iyo hada lama war sugan lagama hayo Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay Magaalada Jowhar ku dhexmaray Ciidanka Hirshabeelle iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

PUNTLAND POST