Booliiska Jarmalka oo xiray koox qorshaynayay in ay Masaajid weeraraan

Booliiska Waddanka Jaramlka ayaa laga soo xigtay in ay  xireen kooxo xagjir ah oo qorshaynayay in ay weeraraan masjid ku yaala dalkaasi, kaddib markii ay Booliisku heleen xog ka sii heleen.

Kooxda  la xiray oo ka kooban 12 qof ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin Xagjiriinta Muslimka neceb ee Der harte Kern oo ah koox ka dhisan dalkaas.

Xagjiriintas ayaa ku caan baxay necaybka iyo faquuqa Muslimiinta iyo dadka magangalyo doonka ah ee jooga waddanka Jarmalka.

Sidoo kale Booliisku waxa ay baadi goob ugu jiraan xubno kale oo ka tirsan xagjiriintan kuwaasoo qeyb ka ahaa qorshaha weerarka.

Dalka Jarmalka waxa ku sugan kooxaha cansuriyiinta midigta fog oo abaabula weerarro ka dhan ah dadka Muslimiinta ah oo ay ku jiraan dadka magangelyo doonka ah.

PUNTLAND POST