Xubno ka tirsan Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda degaannada Puntland ayaa maanta ka hadlay sida loo dhammeeyay Khilaafkii ka taagnaa bixinta Shahaadaha heer Federaal ee Ardayda Puntland oo ay horay u siyaasadaysay Xukuumadda Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Ciise Maas oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in kulamo ay la qaateen Madaxda Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo ay Villa Somalia ku garowsatay in aan la siyaasadayn Mustaqbalka Ardayda islamarkaana shahaadada heer Federaal la siiyo Ardayda Puntland.
Sidoo kale Xildhibaan Daahir Maxamed Muuse ayaa isna soo jeediyay in aan la siyaasadeyn Waxbarashada Ardayda iyada oo dano gaar ah laga eeganayo waxaana uu dalbaday in aan gor-gortan la gelin Mustaqbalka Ardayda sida uu hadalka u dhigay.
Siciido Maxamed Xasan iyo Xaawo Yuusuf Axmed oo katirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay sheegeen in doorkooda ay ka qaadanayaan sidii looga gudbi lahaa wax waliba oo kala fogeyn kara Dowladda Federaalka iyo Puntland.
PUNTLAND POST