
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), ayaa si adag u cambaareeyay dilka wariye Cabdiweli Cali Xasan (Cabdiweli Online) oo lagu toogtay degmada Afgooye, Gobolka Shabeelaha Hoose maalinimadii Axaddii 16 Febraayo, 2020.
Dad aan la aqoonsan, ayaa wariyaha madaxa iyo feeraha kaga dhuftay dhowr xabbadood, taasoo sababtay inuu dhaawac daran soo gaaro, xilli uu u socday hoygiisa oo ku yaalla Xaafada Xaawo Taako ee degmada Afgooye, sida ay SJS ka soo xigatay xubno ka tirsan qoyskiisa iyo wariyaal ay wada shaqeeyeen.
Wariye Cabdiweli, ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, intii loo sii waday isbitaalka., waxaana goobta ka baxsaday Kuwii dilkiisa geystay.
“Waxaan cambaareyneynaa sida ugu adag dilka saaxiibkeen Cabdiwali Cali Xasan, oo lagu dilay Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Afgooye. Allah Ha u Naxariistee, Cabdiwali waxaa toogtay rag hubeysan oo aan la aqoonsan xilli uu u socday hoygiisa.” sidaasi waxaa yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliya ee (SJS).
“Waa maalin kale oo murugo u ah bahda saxaafadda Soomaaliya. Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose inay baaritaan deg deh ah billaabaan, ayna soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha oo ay horkeenaan sharciga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Mumin.
Dilka Cabdiwali Cali Xasan, waa kii ugu horreeyay ee sannadkan 2020 wariye loogu gaysto gudaha Soomaaliya. Allaah Ha u Naxariistee wuxuu wariye Cabdiwali oo ahaa 25 jir, dunida kaga tagay xaas iyo labo carruur ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.