Wasiir Ku xigeenka Arimaha Dibbada Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, oo qoraal kooban soo dhigay batiisa Twitter-ka, ayaa jawaab ka bixiyay Wararka ku saabsan in madaxweyne Farmaajo uu booqan doono magaalada Hargeysa.
Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur, islamarkaana madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan gebi ahaanba imaan doonin caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
“Booqashada Farmaajo ee Magaaladda Somaliland gabi ahaanba waa Riyo maalmeed & Howl aan macquul aheyn !!. Go’aanka dowladnimo ee SL wuxuu u taagan yahay ilaalinta jiritaankiisa iyo degenaanshaha ” ayuu Wasiirka.
Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay shacabka Somaliland oo si carol eh uga falceliyay wararka la xiriira imaatinka madaxweyne Farmaajo ee Somaliland” Waxaan u mahadcelinayaa shacabka reer Somaliland ee wadaniyadda iyo feejignaanta badan.”
Xukuumadda Somaliland, waxay dhinaca kale beenisay warar ay Saxaafaddu qortay oo sheegaya, in Golaha Wasiirada Somaliland ay ka shireen socdaalka madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa.
PUNTLAND POST