Somaliland ayaa ruqseysay Askri Booliis ah oo dharbaaxo la dhacay qof dumar ah oo ku nool magaalada Hargeysa.
Qoraal la soo dhigay barta Facebook-ga ee hoggaanka Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in la ruqseeyay saddex Alifle Mahad Cabdi Cismaan, oo u gacan daaqay qof dumar ah, isagoo xiran sharafta ciidanka Booliska.
“Saacaddo ka hor waxa baraha bulshada la soo galiyay saddex Alifle Mahad Cabdi Cismaan oo gacan u qaaday ruux dumara. Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa anaga oo ka duulayna in boolisku yahay saaxiibka dadwaynaha in la ruqseeyay asakarigaa xad gudubka sameeyay isagoo xidhan sharftii Ciidanka Booliska Somaliland. Boolisku waa saaxiibka dadwaynaha” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska Somaliland.
Baraha bulshada ayaa maanta la soo dhigay muuqaal magaalada Hargeysa lagaga duubay askari xiran dareyska ciidanka Booliska Somaliland oo dharbaaxo la dhacaya qof dumar ah.
Balse Booliska Somaliland ayaa saacado ka dib sheegay in uu ruqseeyay askarigaas xadgudubka sameeeyey.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.