Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo isu dhiibay Ciidamada dowladda Soomaaliya

Sarkaalka isa soo dhiibay

Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Degmada Xudur Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegeen in uu isku soo dhiigay Sarkaal in muddo ah ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Sarkaalkaas ay soo bandhigeen Ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya oo magaciisu yahay  Colaad Cabdiraxmaan ayaa sheegay  in uu  Al-shabaab ku biiray sanadkii  2009-kii.

Sidoo kale Colaad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka waddista gaadiidka.

Guddoomiyaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Ibraahim Isaaq Ibraahim oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Colaad baaritaano dheeraad ah lagu samayn doono si loo hubiyo.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ayaa horay  dhawr jeer soo bandhigay Saraakiil iyo dagaalyahano ka soo goosatay Al-shabaab kuwaas oo isku dhiibay ciidamada dowladda.

PUNTLAND POST