Maareeye: Somaliland 28 sano ayaa looga talinayey marfishyada qaadka

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa markii u horraysay ka hadlay wararka sheegaya in madaxweyne Farmaajo socdaal ku tegi doono magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in uusan waxba kala socon in madaxweyne Farmaajo socdaal ku tegi doono magaalada Hargeysa balse haddii ay jirto ay tahay in ay soo dhaweeyaan madaxda iyo shacabka Somaliland maadaama aysan go’doon kaga jiri Karin isbeddelada ka socda Geeska Afrika.

Wasiir Maareeye ayaa kula taliyay Somaliland in ay joojiyaan buuqa iyo qeylada islamarkaana la jaan-qaadan isbeddelka siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika kaasi oo uu sheegay in aysan mar dambe qeyb ka noqon doonin haddii aysan hadda la jaan-qaadin.

Sidoo kale Maareeye ayaa sheegay in Somaliland mudda 28 sano looga talinayey marfishyada qaadka oo ay ku jireen khiyaali aan socon doonin taasina ay mas’uul ka yihiin madaxda hadba loo doorto maamulkaas.

Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan

PUNTLAND POST