Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug garabka Ahlu-Sunna Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa war ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.
Warka ka soo baxay Sheikh Maxamad Shaakir Cali Xassan, ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda siyaasadeed wakhti xaadirkan ka taagan degaanada Galmudug.
Shiikh Shaakir ayaa dowladda Federaalka soomaaliya, dowlad Goboleedyada iyo Beesha caalamka waxaa uu ugu yeeray in la dhiso gole loo dhanyahay oo u xil-saaran Federaalnimada, dimoqoraadiyada & doorashooyinka gobolada inta uu dalka helaayo xasilooni siyaasadeed oo degan.
Qoraalka Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale waxaa looga digay in Ciidamada ay tababareen Wadamada Mareykanka iyo Turkiga loo adeegsado caburinta Shacabka iyo dano siyaasadeed
“Waxaan bulsho waynta Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Galmudug iyo beesha caalmaka u cadaynayaa in dowladda federaalka ay ku guul-daraysatay in loo dhiso Galmudug maamul loo dhan yahay, taas bedelkeeda waxa ay dhisatey maamul ay wadato kaas oo dowladda dhexe ku doonayso in ay xildhibaano taageersan ku hesho doorashada 2021 si madaxda hadda jirta ay u soo noqdaan” ayuu yiri Sheikh Maxamed Shaakir.
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhan

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.