XOG: Dowladda Soomaaliya oo ogolaatay Shahaadada Ardayda Puntland

Ardayda Dugsiyada sare ee Puntland

Ilo’ xog-ogaal ah oo ka tirsan madaxtooyada Puntland, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmiya u ogolaatay bixinta Shahaadada Ardayda Reer Puntland.

Saraakiil diiday in magacyadooda la xigto oo ku sugan madaxtooyada Puntland, ayaa sheegay in arrintaas ay dadaal badan ku bixiyeen xildhibaanno iyo mas’uuliyiin xilal ka haya Xukuumadda Federaalka oo ka soo jeeda degaannada Puntland.

Sidoo kale, waxa dadaal kaas lamid ah sameeyay qaar kamid ah isimada ugu caansan Puntland, oo magaalada Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiina dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana cadaadis ku saaray in mustaqbalka Ardayda Puntland aan loo xannibin arrimo siyaasadeed.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo xalay khadka Taleefonka kula hadlay madaxweyne Deni ayaa u xaqiijiyay in Xukuumadda Federaalku ay ka laabatay go’aankii ay ku xannibtay Shahaadada Ardayda Puntland.

Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Puntland, ayaa ka wada-hadlay arrimaha  farsamo ee ka harsan dhammaystirka is-fahamka laga gaaray Shahaadada Ardayda Puntland.

©PUNTLAND POST