Sri Lanka oo shaacisay in ay saddex malyan oo Dollar ku bixinayso Deyn Cafinta Soomaaliya

Dowladda Waddanka Sri Lanka ayaa si rasmiya u shaacisay  in ay kaalinteeda ka qaadanayso ololaha Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Sri Lanka iyo mas’uuliyiinta Bangiga dhexe ee waddankaas ayaa laga soo xigtay in ay lacag saddex milyan oo dollar ku taageerayaan hawlaha Deyn Cafinta Soomaaliya.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Sri Lanka  ayaa ku warramaysa in lacagtaasi  lagu shubayo bangiga hay’adda lacagta adduunka ee IMF si loo de dejiyo hannaanka Deyn Cafinta.

 Go’aankaas ayaa ku soo aadday maalmoka dib markii Bangiga Adduunka iyo hay’adda lacagta IMF ay si wadajir ah u shaaciyeen in ay Soomaaliya u qalanto in laga cafiyo Deynta lagu leeyahay muddo ka badan soddon sanno.

IMF iyo Bankiga Adduunka waxay labaduba sheegeen in Soomaaliya ay mudantahay in si buuxda looga saamaxo Deynta  lagu leeyahay oo dhan $5.3 bilyan oo doollar.

PUNTLAND POST