Madaxweynaha waddanka South Sudan Salva Kiir Mayardit ayaa ogolaaday in uu yareeyo tirade maamul goboleedyada dalkiisa ka dhisan kadib shuruudo ay ku xireen kooxaha mucaarad ah.
Dalabka ugu muhiimsan ee Mucaaradka South Sudan ayaa ahaa in la yareeo dowlad goboleedyada ka dhisan dalkaasi si loo soo afjaro colaadda sokeeya ee ka aloosan waddanka loona dhiso dowlad loo dhan yahay.
Madaxweyne Salva-kiir iyo madaxii hore fallaagada Riek Machar ayaa cadaadis caalami ah la kulmaya si ay u soo afjaraan meel marinta heshiiska nabadeed oo ay horay u wada gaareen.
Waxa labada dhinac loogu baaqay kulankooda toddobaadka soo socda ay yeelanayaan inta aan la gaarin wixi ay isku fahmi la’yihiin in ay xalliyaan.
Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ayaa tallaabadan ku qeexay mid xanuun badan balse ay tahay lagama maarmaan haddii ay nabad keenayso.
PUNTLAND POST
.