In ka badan 30 ruux ayaa lagu dilay weeraro kooxo hubaysan ay ka gaysteen, tuulooyin ku yaalla gobolka Katsina ee galbeed waddanka Nigeria, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in weeraradaasi ka dhaceen tuulooyinka Dankar iyo Tsauwa, halkaasi oo dableeyda hubaysan ay ku laayeen dad rayid ah oo tuulooyinka ku noolaa.
Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay, in tuulada Tsauwa lagu dilay 21 ruux, islamarkaana lagu dhaawacay tiro kale oo aysan cadadkooda xusin.
Sidoo kale, waxay sheegeen in kooxaha weerarka geystay ay tuulada Dankar ku dileen 10 qof oo rayid ah guryo halkaasi ku yaallayna ay burburiyeen.
Gobolkaasi Katsina ee galbeedka Nigeria, ayaa bilihii u dambeeyay laga soo sheegayay xaalado amni-darro iyo weeraro ay gaysanayaan kooxo hubaysan.
PUNTLAND POST