Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada Koonfur Galbeed uu ka dhacay degaanno ka tirsan gobolkaasi.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii malayshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ay weerar jid-gal ah u dhigeen ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed xilli ay ku socdaalayeen wadada laamiga ah ee xiriirisa degaanka Daynuunaay iyo magaalada Baydho ee xarunta gobolkaasi.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalkaas oo mudda socday uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray Al-shabaab iyo ciidamada Koonfur Galbeed inkastoo aan si rasmiya loo xaqiijin khasaaraha.
Malayshiyaadka Al-shabaab waxay dhankooda sheegeen in dagaalka ay ku dileen hal askari oo ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed tiro kalena ay ku dhaawaceen balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
PUNTLAND POST