Wasiir Islow: dhagxaanta ku go’an waddooyinka Muqdisho dhowaan ayaa la qaadi doonaa

Wasiirka Amniga Somaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa shaaciyay  in dhawaan la qaadi doono dhegxaanta ku go’an wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa tilmaamay inuu socdo qorshe ay tahay in dhegxaanta looga qaado wadooyinka Magaalada Muqdisho maadaama ay caqabad ku yihiin isu socodka dadweynaha ee magaalada.

Wasiirka ayaa xusay  in ay dadweynaha reer Muqdisho dhibaato ku qabaan dhegxaanta lagu jaray wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada.

Isloow oo Warbaahinta  la hadlayay ayaa  sheegay in waqtiga dhow loo guda geli doono sidii dhegxaanta looga qaadi lahaa wadada Wadnaha loona gayn lahaa jidka Warshadaha.

Wasiirka Amniga ayaa soo hadalqaaday barraha amniga lagu hubiyo ay ciidamada ka samaysteen wadooyinka Magaalada Muqdisho in ay hoos u dhigeen qaraxyadii Shabaabku uu ka gaysan jiray magaalada.

Sidoo kale waxaa uu tibaaxay in ay maleeshiyada Al Shabaab ku adkaatay inay qaraxyo waaweyn soo geliyaan Magaalada Muqdisho iyadoo uu tusaale u soo qaatay qaraxii 28-kii bishii December ee sanadkii 2019 ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye.

PUNTLAND POST