Sacuudiga oo eedayn kulul u jeediyay dowladda Turkiga

Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Al-Jubeyr ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka soo horjeeddo Duulaanka Turkiga ee dalka Suuriya.

Wasiirka ayaa dowladda Turkiga ku eedeeyay in ay diiddantahay Xasiloonida Waddanka Suuriya islamarkaana ay doonayso in qalalaase ka sii socdo.

 “Waxaan ka soo horjeednaa u tallaabista Soohdinta Suuriya ee Turkiga waxaan sidoo kale  ka soo horjeednaa Taageeristiisa Maleeshiyaadka ku sugan Suuriya” sidaasi  yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga.

Sacuudiga iyo Turkiga Xiriirkooda siyaasadeed oo xumaa waxa uu khilaafkooda sii xoogeystay Bishii October sanadkii 2018-kii kadib markii Magaalada Istanbul koox Sacuudiga ka socota ay ku dileen Wariye Jamaal Khaashogji.

PUNTLAND POST