Xeer Ilaaliyaha guud ee Maraykanka oo sheegay in uu ka shaqeyn waayay Trump

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka, General William Bar oo la hadalay ABC News ee Mareykanka ayaa sheegay in uu ka sahqeysan la’ yahaymadaxweyne Donald Trump oo uu wiiqayo shaqadiisa, una adeegsanayo Tweeter-ka, taas aysan u surtagalineynin in uu shaqadiisa qabsado.

Dhaleceynta uu u jeediyay Madaxweynaha ayaa timid xilli isha lagu hayo sida waaxda cadaaladda ee Mareykanka ay ula tacaamusho kiis la xiriira Roger Stone oo la taliye u ahaa madaxweyne Donald Trump balse la xukumay.

Xeer ilaalinta ayaa lagu eedeeyay in ay u liiceen cadaadis uga imanayay madaxweyne Donald Trump.

Hogaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare ee senetka, Mitch McConnell ayaa sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay in uu dhageysto hadalka xeer ilaaliyaha.

PUNTLAND POST