Wasiir Beyle oo faahfaahin ka bixiyay Deyn Cafinta Soomaaliya

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa si weyn usoo dhoweeyay warbixinta ay soo saareen hay’adda Lacagta Aduunka IMF iyo Bankiga Adduunka, iyagoo sheegay in ay Soomaaliya mudan tahay in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, kadib kulan ay yeehseen Labadii Maalmood ee la soo dhaafay.

Wasiir Beyle oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in guusha deyn cafinta Dalka iyo dib habeynta dhaqaalaha ay ku timid dedaallo Wadajir ah.

Wuxuu sheegay Wasiirku in ay wada hadallo badan ku qaadatay ka mira dhalinta deyn cafinta, shuruudaha ku xirnaana ay mid waliba sal u ahayd habaynta dhaqaalaha Dalka.

Sadax Sano ee la soo dhaafay ayuu socday wadahadalka deynta cafinta Soomalaiya oo soo maray Afar Weji, mid walbana ay ku xirnaayeen shuruudo muhiimaddoodu ahayd dib u habeynta hay’adaha dhaqaalaha Dalka” ayuu yiri Wasiirka.

Hoos ka daawo wareysiigiisa oo dhan

PUNTLAND POST