Maraykan oo amaan iyo bogaadin u jeediyay madaxweynaha Jubaland

Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Africa ( Africom) Stephen Townsend, ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlayo kulankii dhexmaray Wefdiga Mareykanka iyo madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Wefdiga Maraykanka, waxaa  hoggaaminayey Safiirka USA u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Africa ( Africom) Stephen Townsend.

War-saxaafadeedka, ayaa lagu faahfaahiyay howlgallo qorshaysan in Al-shabaab looga xoreeyo degaannada Jubbaland, Taliyaha Africom ayaa si gaar ah madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland ugu ammaanay la dagaalanka Alshabaab.

Sidoo kale, wuxuu  qiray in Amniga, Kala dambeyn buuxda ka jirto  dowlad goboleedka Jubaland, taasi oo u baahan in la sii xoojiyo, islamarkaana Al-shabaab laga saaro meelaha ay ku harsan yihiin.

 Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Africa ( Africom),  ayaa sidoo kale hambalyeeyay dib u doorashadii madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, doorashadaas oo dowladda Federaalku diiday in ay aqoonsato.

PUNTLAND POST