Xubno lagu daray Guddiga sare ee Bangiga Dhexe

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay Muqdisho, waxaana shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Wasiir ku xigeenka Warfaafin Soomaaliya Aadan Isxaaq Cali oo ka warbixiyey kulankaas, ayaa sheegay in Golaha Wasiirada ay ansixiyeen xubno lagu biiriyay Guddiga sare ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyadda.

Xubnaha la meermariyey oo ka kooban shan xubnood ayaa kala ah Prof. Xuseen A. Warsame, Dr. Aweys Sheekh, Dr. Abdisamad N. Looyaan, Sakhaawadiin M. Mohamed iyo Mr. Cusmaan S. Gabeyre.

Xubnahan ayaa sida uu sheegay wasiirku buuxiyay shuruudihii looga baahnaa mas’uuliyiinka kamid noqonaysa Guddiga maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Warfaafin Soomaaliya ayaa sheegay in Goluhu ay meelmariyeen siyaasadda deegaanka, heshiis dhexmaray Wasaaradda Waxbarashada iyo UNESCO iyo is afgarad dhexmaray Wasaaradda ganacsiga iyo Wasaaradda Maalgashiga Masar.

PUNTLAND POST