Wasiir Cawad oo qaabilay Safiirka Netherlands ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka  dowladda Netherlands Soomaaliya Frans Makken.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in wasiirka iyo Danjiruhu ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka laba-geesoodka iyo iskaashiga dhammaan dhinacyada ku suntan nafci wadaagga labada dal.

Qoraalku wuxuu intaas raaciyay in kulanka lagu fallanqeeyay arrimaha nabadgelyada socdaalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherlands, iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee ka soo if baxay gobolka iyo dunida inteeda kale.

PUNTLAND POST