Madaxweyne Farmaajo oo raalli-gelin ka bixiyay Xasuuqii Siyaad Barre u gaystay Somaliland

Duqeyntii Hargeysa 1988-dii

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Khamiis ah raalli-gelin ka bixiyay, xasuuq ka baxsan banii’aadanimada oo dowladdii Kacaanka Jaalle Siyaad ay ka geysatay gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya (Somaliland).

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeedinayay, shir ku saabsan Garsoorka oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in xasuuqaasi uu ahaa taariikh madow oo u baahan in laga garaabo, islamarkaana ku koobnaa nidaam dowliya oo markaasi ka talinayay Soomaaliya.

Mudane Farmaajo, ayaa meesha ka saaray in xasuuqii loo gaystay gobollada Waqooyi Galbeed ee dalka, uu la xiriiray dagaal u dhexeeyay Koonfur iyo Waqooyi ama xataa dagaal ku salaysan qabiil iyo isir.

Wixii Waqooyi ka dhacay ma ahayn Koonfur oo waqooyi ku duushay, wax qabiil ku saleysanna ma ahayn, waxay ahayd Sistam dowli ah oo markaas jiray” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Xasuuqa ugu badan ee Taliskii Jaalle Siyaad ka gaystay gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, haatanna loo yaqaan Somaliland, ayaa dhacay sannadkii 1988-dii, xilligaasi oo diyaarado dagaal lagu garaacay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

Sidoo kale, waxaa jiray dil-wadareedyo uu Taliskii Kacaanka halkaasi ka fuliyay, 3-dii June 1988-dii, kaasi oo lagu xasuuqay dad rayid ah.

Xilliyadaasi waxaa gobollada Waqooyi Galbeed ka socday dagaallo qaraar oo dhexmarayay Taliskii Siyaad Barre iyo jabhaddii SNM oo markii dambe la baxday Somaliland.

PUNTLAND POST