Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay howlgal miino baaris ah ka sameeyay degaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabellada dhexe ayaa sheegay in waddooynka ka baxa degaankaasi laga saaray miinooyin badan oo ay Al-shabaab ku aaseen.
Sidoo kale waxay sheegeen in ciidanku ay isku fidiyeen tuulooyinka hoos yimaada ku degaanka Xaaji Cali si Amniga loo xaqiijiyo
Ciidamada Militariga dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa muddooyinkaan dambe howlgallo ka dhan ah Al-shaaab waxay ka wadeen degaanno ka tirsan gobolkaasi Shabeellada Dhexe.
PUNTLAND POST