Ciidamada Maraykanka iyo Malayshiyaad ku dagaallamay gudaha Suuriya

Ciiddamada Dowladda Maraykanka iyo Maleeshiyaad u dhashay Waddanka Suuriya  ayaa ku dagaalamay Waqooyiga dalkaasi Suuriya ka dib banaan bax looga soo horjeedo Maraykanka uu ka dhacay halkaas.

Dagaalka oo ka dhacay Tuuladda lagu magacaabo Khirbet Ammo oo u dhow Xuduudka Degmadda Qamishli ayaa la sheegay in lagu dilay Wiil 14-jir ah halka qof waayeel ahna lagu dhaawacay.

Milliteriga Maraykanka ayaa la sheegay in ay rasaas fureen kadib markii ay dadka degaanka isku dayeen in ay ka dibad-baxaan Kolonyo Gaadiidka Ciiddankaasi  oo doonaya inay gudaha u galaan dhulka ay Dowwladda Syria maamusho.

Dhinaca kale Saxafi la socda Milliteriga Suuriya ayaa waxa uu Muuqaal Video ah ka qabtay Diyaarad Dagaal oo ay Maraykanka leeyihiin oo duqeyn ka geysatay Fariisimo ay Ciiddanka Dowladda Syria ku leeyihiin gudaha Degmadda Qamishli.

Muuqaalka Video-ga waxaa ka muuqday Diyaarad nooceedu ahaa F 15 Jet oo ay Ciiddanka Cirka Maraykanka leeyihiin oo dul martay Deegaanka ay Ciiddanka Maraykanka iyo dadka Deegaanka ku dagaalameen.

Isbahaysiga Maraykanka weli war kama soo saarin Muquaalka Diyaaradda duqeynta geysatay.

PUNTLAND POST