Wasiir Sadiiq Warfaa oo ka qeyb-galaya Shir weynaha ARLAC

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Kampala ee caasimadda waddanka Uganda, ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa, ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu halkaasi ku soo dhaweeyay Ku-simaha safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Cali Maxamed Cagabaruur.

 Wasiirka ayaa magaalada Kampala kaga qeybgalaya shirka heer wasiir ee Golaha 47-aad ee Xarunta Maamulka Shaqaalaha Gobolka Afrika (ARLAC) kaasoo loogu talagalay wasiirada mas’uulka ka ah shaqada ee waddamada Afrika.

Wasiir Sadiiq Warfaa ayaa shirka Golaha 47-aad ee ARLAC ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ku saabsan arrimaha shaqaalaha iyo horumarada ay Wasaaradiisu ka gaartay.

PUNTLAND POST