Turkiga oo ku hanjabay in uu dagaal Cir iyo dhul ah ku qaadi doono Ciidamada SYRIA

Madaxweynaha Waddanka Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan, ayaa ku hanjabay  in militariga dalkiisa ay weerar cir iyo dhul ah ku qaadi doonaan meel kasta oo ay ku sugan yihiin ciidamada Syria, haddii ay mar dambe askari Turkish ah waxyeello u gaystaan.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkey ay ka go’an tahay inay ciidamada dowladda Syria ka durjiyaan goobaha kormeerka ee gobolka waqooyiga galbeed ee Idlib, ka hor dhammaadka Bisha Febraayo.

Waxa uu uga digay ciidamada mucaaradka Syria ee xulufada la ah dalkiisa, inaysan siin ciidamada dowladda Syria cudurdaar ay kusoo weeraraan.

Rabshado ayaa ka socday gobolka Idilb oo ku teedsan xuduudda Koonfureed ee Turkey toddobaadyadiii tegay, ayada oo ciidamada dowladda oo ay taageerayaan Russia iyo Iran ay qabsadeen dhul ballaaran.

Turkey oo xulufo la ah qaar ka mid ah mucaaradka kasoo horjeeda dowladda madaxweyne Basha Al-Assad ayaa Talaadadii qaaday weerar jawaab ah kadib markii ciidamada Syria ay duqeymo ka dhacay Idlib ku dileen 13 askari oo Turkish ah, 10-kii maalmood ee tegay.

Xiisadda Idlib ayaa sidoo kale dhaawacday xiriirka Ankara iyo Moscow. Wakaaladda wararka TASS ee Syria ayaa maanta sheegtay in Erdogan iyo Putin ay ku wada hadleen taleefonka iskuna raaceen inay sii wadaan xiriirkooda Syria.

PUNTLAND POST