Somalilnad oo ka hadashay kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo warbaahinta oo anshax xumo sameysay

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa.

Waxaa safarkii Muuse Biixi ee Addis Ababa warbaahinta uga warramay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon, wuxuuna xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi ay ku kulmeen xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

“Markii uu dhammaaday shirka madaxda Midowga Afrika, madaxda ka qeybgashay oo dhan ayaa ismacasalaamaynayey, Madaxweyne Farmaajo halkaas ayuu yimi, sidaas ayeyna ku kulmeen labada Madaxweyne” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Wasiir Faratoon oo diyaar u ahaa in wax laga weydiiyo waxyaabihii ay ka wada hadleen Farmaajo iyo Muuse Biixi, ayaa weriyeyaasha Somaliland lumiyeen fursadaas, markii ay kala horarsadeen weydiimihii, sidaasna ay ku bilaamatay buuq iyo sawaxan dhexdooda ah oo soo afjaray shirkii jaraa’id.

Inkastoo kulanka Farmaajo iyo Biixi la xaqiijiyey, hadana ma jirto cid faahfaahisay kulankaas, oo garwadeen ka ahaa Abiy Ahmed.

PUNTLAND POST