Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu si rasmi ah uga furmo Shir Sanadeedka Garsoorka dalka, kaasi oo sanadkii xiligaan oo kale la qabto.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Wasiiro, Xildhibaano, Xeer Ilaaliyaha Guud, Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Culimaa’udiin iyo Wakiillo ka socda Maxkamadaha dowlad goboleedyada dalka ka jira.
Inta uu socdo shirweynaha Maanta furmaya ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo badan oo la xiriira dhanka Garsoorka dalka, Cadaadalada iyo qodobo kale oo Madaxda u qorsheysan.
Sidoo kale Shirka ayaa waxaa Khudbado ay jeedin doona Mas’uuliyiinta kala duwan ee ka qeyb galeysa, waxaana Shirkaas la filayaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah u furmo.
PUNTLAND POST