Sheikh Shaakir oo weli kulamo ka wada magaalada Dhuusamareeb

Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunna ayaa weli waxaa uu kulamo ka wadaa Magaalada Dhuusamareeb.

Sheikh Maxamed Shaakir ayaa xalay Xafiiskiisa Magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay dhalinyarada Magaalada Guriceel, oo ay ku jiraan bahda cayaaraha. Sidoo kale waxaa kulanka ka soo muuqday abwaano iyo ganacsato reer Guriceel ah.

Dadka uu la kulmay Sheikh Maxamed Shaakir oo ka soo safray Magaalada Guriceel ayaa ugu yimid, sida qoraal ka soo baxay xafiiskiisa lagu sheegay inay ugu hambalyeeyaan xilka loo doortay.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay inay dadkaasi soo gaarsiiyeen Madaxweynaha salaan, ay uga sideen shacabka ku dhaqan Magaalada Guriceel. Guriceel waa Xaruntii Ahlu Sunna, ka hor intii aanay ku biirin Galmudug, dhawr sano horteed.

Waxaa qoraalka lagu muujiyay in Sheikh Maxamed Shaakir uu si diiran kaga guddoomay dadkaasi soo dhawayntii ay ugu yimaadeen iyo salaantii ay uga sideen dadweynaha degan Xarunta Ganacsiga Gobolka Galgaduud ee Guriceel.

PUNTLAND POST