Dowladda Puntland ayaa ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay diiday wada-hadal, si loo xalliyo arrimaha ay ku muransan yihiin labada dhinac.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey oo maanta Warbaahinta kula hadlay caasimadda Garoowe ayaa sheegay in madaxweyne Deni tan iyo markii uu xilka qabtay uu ku dhegganaa in laga wada-hadlo khilaafka labada dhinac balse ay xukuumadda Federaalka mar kasta diiddaneyd wada-hadalka.
Wasiir Sabareey ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu mar walba golihiisa xukuumadda u sheego in loo hiilliyo Nidaamka Federaalka ee Soomaali ku heshiisay kaasi oo ay dagaal kula jirto dowladda, sida uu sheegay Madaxweyne Farmaajo.
Mudane Sabareey ayaa ka digay in haddii khilaafka labada dhinac uu sii socdo ay fursad u noqon karto kooxaha Argagixisada ah ee diiddan xasiloonida waddanka islamarkaana ay Beesha Caalamku ka niyad jebi karto Soomaaliya.
Hoos ka daawo hadalka Wasiirka
PUNTLAND POST