Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay Asbuucan dib u billowday Kaalmadii milatari ee ay siin jirtay ciidmada dowladda Federaalka Soomaaliya, si u taageerto howlgallada la’dagaallamla Argagixisada ee ka socda gobolka Shabeellada Hoose.
War-saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in go’aankaasi Mareykanka uu qaatay, kadib markii ay korortay kalsoonidii dowladda USA ku qabto hanaanka maamulka dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya.
“waxaan ugu baaqeynaa Dowladda soomaaliya inay mudnaanta koowaad siiso wax ka beddelka iyo tayeynta hay’adaha amniga, si loo helo ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh inay amaanka dalkooda la wareegaan.” Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.
Safaaradda ayaa sheegtay in Mareykanku uu sii wadi doono taageeradaasi dhaqaale oo ah mid ku kooban kaliya la’dagaalanka argagixisada.
War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in dib u heshiisiinta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ay muhiin u tahay, hirgelinta dowlad xooggan oo ammaanka hanan karta, iyo barwaaqo ay ay higsadaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Mareykanka ayaa joojisay taageeraddii cunto iyo shidaal ee ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya sanadkii 2017-kii, iyadoo sabab uga dhigtay welwel ay ka qabtay musuq-maasuq baahsan oo ka dhex jiray sida loo maareeyo Dhaqaalaha ciidanka.
PUNTLAND POST