Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in halkaasi Talaadadii shalay laga qabtay laba macalllin Qur’aan oo malcaamado ku haystay gudaha magaaladaasi Hargeysa.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU-da Somaliland ayaa labadaasi macalin ka soo qabtay malcaamad Qur’aanka Kariimka lagu bartao oo ku taala xaafadda Jarrato.
Ciidamada ayaa si kadis ah ku tegay malcaamadda waxaana ay gaari daboolan ku riteen labadii macallin ee haystay malcaamadda sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Ilaa iyo hadda lama sheegin waxa uu la xiriiro kiiska loo haysto macallimiinta balse warar hoose ayaa laga soo xigtay in loo haysto tuhun la xiriira Argagixisanimo.
PUNTLAND POST