Dowladda Puntland ayaa war ka soo saartay Sharciga Batroolka ee dhawaan saxiixay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland aysan qeyb ka noqon doonin dhaqan galinta Sharciga Batroolka Soomaaliya, ilaa meesha laga saarayo qodobada ka soo horjeeda Dastuurka iyo hannaanka Federaalka.
Sidoo kale qoraal madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Sharciga Batroolka uusan waafaqsaneyn mabaadi’ida ku xusan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, sida qodobkiisa 44-aad oo qeexaya in qeyb-siga Khayraadka Dabiicig ah uu noqdo mid ku dhisan Wada-xaajood dhexmara dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.
Puntland ayaa shirkadaha Caalamiga ah ee danaynaya maalgashiga soo saarista shidaalka Soomaaliya, ku wargalisay in ay ka fogaadaan heshiis ku saleysan Sharciga uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo.
Puntland ayaa ugu baaqday dowladaha xubnaha ka ah Federaalka in ay ka wada tashadaan masaalixdooda, ayna ilaashadaan hannaanka sharci iyo maamul ee qeexayo Dastuurka Federaalka.
Puntland waxay sheegtay in ay ku dhaqmi doonto awoodaha uu u oggolyahay Dastuurka Federaalka iyo kan Puntland.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.