Coronavirus oo in ka badan 1000 qof ku dilay dalka Shiinaha

Wakaaladda Wararka REUTERS, ayaa ku soo warrantay in tirada dadka u dhintay caabuqa  Coronavirus ee dalka Shiinaha, ay kor u dhaaftay 1000 qof.

REUTERS, ayaa sheegaysa in Shirkadaha dalka Shiinaha qaarkood, aysan weli shaqada kusoo laaban, kadib markii ay fasax dheeri siiyeen shaqaalahooda sababa la xiriira Coronavirus, halka kuwa kalena ay dowladda weydiisteen balaayiin dollar oo deyn ah, si ay u sii shaqeeyaan.

Shirkadaha qaarkood ayaa sidoo kale shaqada ka eryey dad badan, inkasta oo ay jirto in madaxweyne Xi Jinping uu shacabka u ballan-qaaday in aysan jiri doonin shaqo ka eryid badan.

Dhinaca kale, la-taliyaha sare ee dowladda ee cudurkan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in faafitaanka cudurkan uu dhammaado bishan February.

Waxa uu sheegay in tirada kiisaska cusub ee cudurkan ay hoos u dhacday gobollada qaar.

Guddiga Caafimaadka Qaranka ayaa dhinaca kale sheegay Talaadadii in 108 qof oo cusub ay u geeriyoodeen cudurka, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 1016 qof.

PUNTLAND POST