Senator Xuseen Sheikh Maxamuud Xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xiriirka aan wanaagsaneen ee ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uu saameyn taban ku yeeshay howlihii dib u eegista Dastuurka.
Waxa uu tilmaamay in ay waayeen doorkii madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Xukuumadiisa ay ku lahaayeen ka qaybgalka socodsiinta dib u eegista Dastuurka dalka, dhankoodana ay dhameeyeen qabyo-tirkiisa.
Senator Xuseen ayaa u soo jeediyay in madaxda dowladda Federaalka in ay wax ka badasho caqabadda ku horgudban socodsiinta dib u eegista Dastuurka dalka.
Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ee Khilaafka Siyaasadeed ka dhex jira waxa uu u jeediyay in ay kawada xaajoodaan waxyaabaha ay isku heystaan, si aan caqabad ugu noqon geedi socodka dalka.
Khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxa uu saameyn ku yeeshay howlihii heer federal ee ka socday degaanada Puntland iyo Jubaland
PUNTLAND POST