Dowladda Kenya oo loogu baaqay in ay Wasiir Janan ka cayriso magaalada Mandhera

Xildhibaanada, Senatarada iyo Mas’uuliyiinta Ismaamulka Mandhera ee Gobolka waqooyi Bari Kenya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay ka saarto magaalada Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid oo halkaasi ku sugan.

Xildhibaannada ayaa codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan Ciidamada C/Rashiid Janan iyo isagaba isaga baxaan Magaalada Mandheera.

Waxaa kale oo ay sheegeen in Dowladda Kenya ay meel kale geyso C/Rashiid Janan haddii ay taageereyso kana dhaqaajiso Magaaladooda.

Guddoomiyaha Magaalada Mandheera Cali Roobow oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in Mandheera amaankeeda uu halis ku jiro kaddib markii Ciidamada dowladda Federaalka ay buux dhaafiyeen xadka labada magaalo.

Mas’uuliyiinta Mandheera ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladaha Kenya iyo Soomaaliya wixii ka dhaxeeya ay si nabad ah ku dhameystaan islamarkaana aysan qalqal amni gelin dadka rayidka ah.

PUNTLAND POST