Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka soconaya qaban-qaabada loogu diyaargaroobayo caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda.
Shaqaalaha Xafiiska Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa waxay magaaladaasi ka wadaan qaban-qaabada, ay tahay in lagu soo caleemo saaro.
Sidoo kale wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweynaha kale ee lagu doortay magaaladaasi, Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu qudhiisu wado qaban-qaabada xafladda caleemo saarkiisa.
Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale ay magaalada ka socdaan dadaalo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo Sheikh Maxamed Shaakir iyo Axmed Qoorqoor.
Dhinacyada siyaasadda Galmudug ayaa si weyn isugu khilaafay doorashada Galmudug, ee markeedii ugu horeysay lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb.
PUNTLAND POST