Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad ka jeediyey meertada 33-aad ee shir madaxeedka Midowga Afrika.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaarada Afrika u noqon karto xarun shaqaale oo muhiima, maadaama ay ku taallo goob istaraatiiji ah .
“Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxwwynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay Al-shabaab uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casriya.
“Cuna-qabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada, kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.”
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.”
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.