Colaad mudda ka taagneyd Matabaan oo la xalliyay

Saraakiisha ciidamada dowlada Federaalka iyo kuwa Hirshabelle ayaa ku guulaystay in ay xaliyaan colaaddkii in mudada ka taagnayd degaano hoos yimaado degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka kala tirsan qeybaha 21 aad iyo iyo 27 aad ee ciidamada dowladda Federaalka ee ka hawlgala galmudug iyo hirshabelle ayaa ku sugnaa goobta ayaa xalliyay colaaddaasi oo u dhexaysay beelo halkaasi wada-dega.

Genaraal mascuud maxamed warsame taliyaha Guutada 15 aad ee Galmudug ka howlgasha oo shirka furay ayaa waxaa uu sheegay in labada dhinac looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee dadka sii kala fogaynaya.

Llabada dhinac ee odoyaasha iyo wax garadka ayaa dood dheer kadib isku raacay  in wax walba sharciga lagu dhameeyo hada kadibna lays kaashado sidii ciidmada dowlada lagu garab siin lahaa in aysoo qabtaan cid walba oo dil ka gaysta labada dhinac.

PUNTLAND POST