Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo daah-furay qeyb lagu Kordhiyay Xabsiga Garoowe

Madaxweyne Ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay dhismeyaal Cusub oo lagu kordhiyay Xabsiga weyn ee magaalada Garoowe.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa daah-furay dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyay Guryaha Qoysaska Ciidanka Asluubta, waxaana sidoo kale uu xariga ka jiray qaybta dumarka ee Xabsiga Garoowe.

Daah-furkan waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen, Cali Nuur Cumar, Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Aamino Cismaan Xaaji ,Saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

PUNTLAND POST