Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay sharciyeedka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta waxa ay ansixiyeen sharciga Hanti dhowrka guud ee Qaranka ka dib kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi, waxaana ku wehlinayay Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Senatar Moowliid Xuseen Guhaad.

Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha  Senatar Deqa Xasan Xuseen, ayaa xubnaha Aqalka Sare  ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.

Sidoo kale, waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ugu dambeyntii ansixiyay Hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.Waxaana Ogaalada 25 Senatar, waxaa diiday 4 Senatar, cid ka aamustayna ma jirin.

PUNTLAND POST