Al-shabaab oo shaaciyay in ay askar Ethiopiana ku dileen duleedka degmada Waajid

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool ay ku dileen laba askari oo ka tirsana Ciidamada dowladda Ethiopia kadib markii ay jidka u galeen.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay toogasho ku dileen labada askari oo kamid ahaa Ciidamo Ethiopiana oo ka baxsaday saldhiga ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Malayshiyaadka ayaa sidoo kale sheegay in ay laba Qori oo Dhashiike ah iyo hal Qori oo AK47 ah ka furteen askarta ay dileen ee ka tirsanaa Ciidamada Ethiopia.

Al-shabaab waxay sheegeen in askarta Ethiopian-ka ah ay baxsad u ahaayeen dalkooda halkaasi oo ay doonayeen in lug ku galaan kadib markii ay fakadeen saldhiga Ciidamada Ethiopia ee degmada Waajid ee gobolkaasi Bakool.

PUNTLAND POST