Siyaasiga Cabdi Faarax Siciid Juxaa , oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay Shir Wada-tashiya oo uu shalay iclaamiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweyne Deni, ayaa shaaciyay in shirkaasi caasimadda Garoowe lagu qaban doono 15-ka bisha Maarso ee sannadkan 2020, waxaana uu shirka ku marti-qaaday Xildhibaannada labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee dadka Reer Puntland.
Siyaasi Juxaa oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga, ayaa sheegay in Shirka Madaxweyne Deni ku baaqay uu ku soo beegmay, xilli ku habboon in dadka reer Puntland talo buuxda iyo wadatashi ka yeeshaan hannaanka Dawladnimada Somalia iyo qaabka loo wajahayo.
“Go’aanka golaha xukuumadda Puntland ee maanta iyo khudbadda Madaxweyne Deni waxay kusoo aadeen xilli ku habboon. In reer Puntland talo buuxda iyo wadatashi ka yeeshaan hannaanka Dawladnimada Somalia iyo qaabka loo wajahayo waa dood soo daahday, loona baahan yahay in laga fara buuxsado” ayuu yiri Siyaasi Juxaa.
Sidoo kale, wuxu xusay 22-sano kadib markale dadka Reer Puntland is-dultaagaan, in Somaliyada cusubi u ekaato tii duntay ee taladu gacanta qur ah ku jirtey (Centralized City State Government), iyo in ay noqoto mid wax badan kakala leeyahay oo taladu daadegto, waxna la wadaago oo midnimada iyo wadajirka guud la ilaaliyo.
“In Somaliyada cusubi u ekaato tii duntay ee taladu gacanta qur ah ku jirtey (Centralized City State Government), iyo inay noqoto mid wax badan kakala leeyahay oo taladu daadegto, waxna la wadaago oo midnimada iyo wadajirka guud la ilaaliyo (Confederal or Federal system) sidii horey loogu heshiiyey ayey tahay in reer Puntland 22 sano kadib markale is-dultaagaan” ayuu sii raaciyay Juxaa.
PUNTLAND POST