Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyay sida uu uga baxsaday xabsi-guri ay mudda 5 bilood ah ku haysay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiir Janan ayaa sheegay in aan xabsi rasmi ah lagu hayn ee hadba xaafad kamid ah xaafadaha Muqdisho la geynayey sida uu hadalka u dhigay.
“Markii aan baxay kaddib saddex maalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho. Waxaana ii suurtagashay inaan xilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed oo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa” ayuu yiri Janan.
Sidoo kale Janan ayaa u sheegay BBC-da in uu haysto ciidan ku filan oo difaaca islamarkaasna uusan wax cabsi ah ka qabin dhinaca nabadgelyadiisa.
Janan oo kajawaabay su’aal la xiriirtay eedaha loo haysto, oo ay kamid yihiin in uu ku kacay dil ka baxsan sharciga iyo maxkamadaha, islamarkaana geystay xadgudub kadhan ah dad rayid iyo baaqa qabashadiisa ee ay soosaartay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty, ayaa sheegay in aysan jirin dhammaan eedahaasi.
Janan waxa uu intaas ku daray in uu ku sugan yahay siina joogi doono Magaalada Balad-Xaawo ilaa inta uu dib isugu abaabulayo Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo uu sheegay in awooddiisa la wiiqay.
Hoos ka daawo wareysiga oo dhammaystiran
PUNTLAND POST