Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb-galay meertada 33-aad ee shirka madaxda dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo ku qabsoomay Addis Ababa.
Shirkan oo maanta galinkii dambe furmay ayaa lagaga arrinsanayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Suudaan.
Fadhi gaar ah oo madaxda Urur Goboleedka IGAD ay ku gorfaynayeen xaaladda dalka Koonfurta Suudaan ayaa soo gabagaboobay, waxa ayna madaxdu iska xog wareysteen miro dhalka dadaallada heer gobol iyo heer qaaradeed ee lagu nabadeynayo dalkaas.
Shirka Midowga Afrika ee sanad laha ah ayaa soo gabagaboobi doona maalinta Axada oo berri ah.
Madaxweyne Farmaajo waxaa shirkaas ku wehelinaya Wasiirka arrimaha dibada, Wasiiru dowlaha madaxtooyada, Agaasimaha madaxtooyada iyo safiiro.
PUNLLAND POST
You must be logged in to post a comment.