Deni oo maamul KMG ah u magacaabay Galdogob

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maamul ku meel gaar ah u magacaabay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Digreeto ka soo baxaday Madaxweyne Deni ayaa Cabdiqaadir Khaliif Xaashi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha degmadda Galdogob, halka ku xigeena looga dhigay Siciid Muuse Shire.

Magacaabistan ayaa ku soo aaday, iyadoo ay dhamaatay muddo xileedkii Golaha degaanka degmada Galdogob, walina aan la dhisin Gole cusub.

Hoos ka akhriso digreetada

Boosaaso: 07 Febraayo 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.15 February 6, 2020, ugu magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen Ku meel gaar ah Degmadda Galdogob.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Degmadda Goldogob.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu garowsaday: In ay dhamaatay mudo xileedkii Golaha Degaanka Degmadda Galdogob, walina aysan suurto galin in la dhiso gole Deegaan oo cusub.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiqaadir Khaliif Xaashi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Galdogob.

2. Waxaa Siciid Muuse Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Galdogob.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

= DHAMMAAD=

PUNTLAND POST