Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka heer Federaal.
Golaha Aqalka Sare oo maanta yeeshay kulankii 35aad ee Kalfadhiga 6aad ayaa ajandahu ahaa akhrinta 3aad ee hindise-sharciyeedka doorashooyinka Qaranka heer Federaal.
Kulanka waxaa shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Abshir Maxamed Axmad iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Moowlid Xuseen Guhaad.
Guddoomiyaha Guddiga ku meel gaar ka ah ee ka baraandegista hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka ayaa ka hor akhriyay Golaha warbixinta akhrinta 3aad ee hindise-sharciyeedkan.
Ansixinta hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka heer Federaal ayaa cod loo qaaday, waxaana ogolaaday 27 Senator, halka ay diideen 6 Senator.
Sharcigan waxaa horey u diidanaa qaar kamid ah dowlad goboleedyada, kuwaas oo sheegay in aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga doorashooyinka Qaranka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.